Askareyn khasab ah oo ka bilaabatay Caasimadda Eritrea ee Asmara

Ciidamada amniga ee Eritrea ayaa Khamiistii bilaabay inay dhallinyarada ka qabqabteen Magaalada Asmara, si ay u xaadiraan xeryaha tababarka, xilli dowladda dalkaasi ay si toos ah ugu lug leedahay dagaalka ka dhanka ah Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta Xukuumadda Addis Ababa.

Wararka ayaa sheegaya in Caasimadda Asmara uu si xoog leh uga soconayo qorshaha askareynta iyo tababarka khasabka ah, iyadoona yoolku yahay in la xoojiyo Ciidamada Eritrea ee ka dagaalamaya gobolka waqooyiga Itoobiya dhaca ee Tigray.

Image

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in dadka ay ka raafayaan magaalada ay gaynayaan xarumo gaar ah oo loogu talagalay, si ay u qaataan tababar degdeg ah, uguna biiraan dagaalka.

Dowladda Eritrea ayaa ciidamadeeda kaydka fartay inay diyaargaroobaan, isla-markaana ay taggaan xeryaha ciidamada, waxaana ciidamadan lagu wargeliyay inay horey u soo qaataan caagado ay biyo ku shubtaan iyo bustooyin.

Dowladda ayaa sidoo kale reer Asmara ugu yeertay inay isu diyaariyaan in ay difaacaan xuduudda uu dalkaasi la leeyahay Itoobiya.

Ololaha raafka ah ee ka soconaya Asmara ayaa dadka qaarkii ku abuuray cabsi ah in colaadda waqooyiga Itoobiya ay ka sii darto.

Ciidamada Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay dagaalka dib ugu soo biireen 1-kii bishan, ka dib muddo shan bilood oo xuduudahooda aanay ka soo gudbin, waana shantii bilood ay shaqeynaysay xabad joojintii ay Dowladda Itoobiya iyo TPLF wada gaareen bishii March.

Ciidamada Eritrea ayaa garab iyo gaashaanba u ah Ciidamada Dowladda Itoobiya, waxaana kol hore lagu eedeeyay inay tacadiyo ka gaysteen Gobolka Tigray.

Afhayeenka Ciidamada Tigrayga, Getachew Reda ayaa labada dowladood ku eedeeyay inay dagaal toos ah ku soo qaadeen dadka Tigrayga.

Faallooyin