Markab sareen ka qaaday Ukraine oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Markabkan oo sida 23 tan oo sareen ah ayaa Axaddii ka shiraacday Dekedda Magaalada Yuzhny ee dalka Ukraine, waana sareen loogu talagalay in lagu caawiyo Itoobiya.

Markabkan oo lagu magacaabo Brave Commander, una kireysan Hay'adda WFP ayaa la filayaa in uu ku xirto Dekedda Djibouti, iyadoona sareenka dhinaca dhulka lagu gaarsiin doono dalkaasi Itoobiya.

United Nations official Denise Brown, Deputy Country Director at World Food Programme Marianne Ward and Ukraine's Infrastructure minister Oleksandr Kubrakov attend a news briefing in font of the bulk carrier Brave Commander.

Wasiirka Kaabayaasha Dhaqaalaha Ukraine, Oleksandr Kubrakov iyo Madaxa Militariga ee Gobolka Odessa, Maxim Marchenko ayaa ambabixiyay markabkaasi.

Hay'adda Cuntada Adduunka ayaa sareenkan ugu talagashay in lagu caawiyo Itoobiya, oo ka mid ah shan dal oo Qaramada Midoobey ay sheegtay in dadkiisu ay halis ugu jiraan macluul.

Tani ayaa noqoneyso shixnaddii ugu horreysay ee lagu caawinayo dalalka ay gabaabsigu ku yihiin sahayda cuntada, ee laga raro dalka Ukraine, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi, 24-kii bishii February.

Dekedaha Ukraine ayaa bishan laga bilaabay in laga raro mallaayiin tan oo qamadi ah, oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku xayirnaa dekedaha dalkaasi, ka dib heshiiskii Ruushka iyo Ukraine ay 22-kii bishii July ku gaareen Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ka dib duulaankii Moscow ee Kyiv ayaa waxaa suuqyada caalamka laga dareemay in hoos u dhac weyn uu ku yimid wax soosaarkii beeraha, iyadoona uu kordhay qiimaha badarka, dunida oo dhan.

Ruushka iyo Ukraine waxay ka mid yihiin dalalka ugu badan dunida ee dhoofiya dalaga beeraha, iyaga oo dibadda u iibgeeya soddon boqolkiiba (30%) qamadiga laga isticlaamo caalamka, waana labada dal ee soosaara afartan boqolkiiba (40%) sareenka laga isticmaalo Afrika.

Qiimaha qamadiga ee dunida ayaa bishii March gaaray heerkii ugu sarreyay muddo 14 sano ah, halka qiimaha galeyduna uu gaaray halkii ugu sarreysay ebid ee la diiwaangeliyo, sida ay sheegeen khubarada caalamiga ee la socodka qiimaha cuntada caalamka ee IPES.

Image

Image

Image

Image

Faallooyin