Ololaha doorashada Kenya oo maanta ku eg

Sabtida maanta ayay tahay maalinta ugu dambeyso ee ololaha doorashada Kenya, ee maalinta Talaadada la filayo inay dalkaasi ka qabsoomto.

Dadweynaha Kenya ayaa 9-ka bishan u dareeri doona doorashada guud ee dalkaasi, oo lagu soo dooranayo Madaxweynaha dalka, Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Deegaanka iyo Wakiilada Haweenka.

Image

Loolanka loogu jiro jegada madaxtinimada ee dalkaasi ayaa waxaa ugu cadcad Madaxweyne Kuxigeenka haatan xafiiska joogga William Ruto iyo Raila Odinga.

Musharaxiinta ayaa shacabka ugu baaqay inay si weyn u soo baxaan maalinta doorashada, codkooduna ay dhiibtaan.

22.1 milyan oo Kenyan ah ayaa la filayaa inay codkoodu dhiiban doonaan, si ay u soo doortaan Madaxweynaha 5aad ee dalkaasi.

Faallooyin