Jens Stoltenberg "Waxaan aragnaa daandaansi dagaal"

Jens Stoltenberg, Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO ayaa maanta sheegay in xulafada ay ka feejigan tahay in dagaalka Ukraine uu isu bedelo mid u dhaxeeya NATO iyo Ruushka, iyagoo dhanka kalena sii wadi doona taageeradooda ku aaddan Ukraine, si ay isaga difaacdo duulaanka Moscow.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in NATO uu saaran yahay masuuliyad dhinaca damiirka ah, bacdamaa Ukraine lagu soo qaaday duulaan gardarro ah, sida uu yiri.

"Waxaan aragnaa daandaansi dagaal, weeraro lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka iyo burbur aan la arag, tan iyo dagaalkii 2aad ee adduunka, mana noqon karno kuwo aan dan ka lahayn arrintan." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NATO.

Waxaa uu sheegay in dunida ay noqon doonto meel halis ah, haddii Ruushku uu ku guuleysto weerarka gardarrada ah ee Ukraine uu ku qaaday.

"Haddii Ruushka uu ku guuleysto dagaalkan, wuxuu heli doonnaa xaqiijinta ah in awooddu ay tahay waxa shaqaynaysa, markaas waxaa laga yaabaa in dalalka kale ee deriska ahna ay ku xigaan." Ayuu yiri Jens Stoltenberg.

Xurgufta Ruushka iyo Reer Galbeedka ayaa cirka isu shareertay, wixii ka dambeeyay 24-kii bishii February, markaas oo Moscow ay weerartay Kyiv.

Faallooyin