António Guterres "Dunidu waxay halis ugu jirtaa in nuclear la isku adeegsado"

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in dunida ay halis ugu jirto dagaal ay dalalka waaweyn isku adeegsadaan hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay halista ay dunida ugu jirto adeegsiga nuclear, taa oo ka dhalan karta in dal uu si khaldan u xisaabtamo amaba tallaabo ka dhalata is faham la'aan dhex marta dalalka haysta hubkan wax gumaada, taasoo khatar gelin karta buu yiri jiritaanka aadanaha.

Xoghayaha oo milicsaday dagaalka Ukraine, xaaladda Bariga Dhexe iyo tan Gacanka Korea ayaa xusay inay sababi karaan dagaal la isku adeegsado hubkaasi.

"Maantay jiritaanka bani'aadantinimadu waxay ku xiran tahay waa hal is faham la'aan oo dhaca." Ayuu yiri António Guterres oo ka hadlayay furitaanka shirka dib u eegista heshiiska taariikhiga ah ee xakameynta faafista hubka nuclear-ka (Nuclear Nonproliferation Treaty) oo 50 sano jirsaday.

"Dowladuhu waxay raadinayaan ammaan aan sax ahayn, waxayna boqolaal ballaayiin oo dollar ku bixinayaan helitaanka hubka adduun rogadka ah ee aan meelna ku lahayn meeraheena." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo intaasi ku daray "Dadku waxay halis ugu jiraan inay ilaabaan daruustii laga bartay dagaalkii 2aad ee adduunka."

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in uu u socdaali doono dalka Japan, si uu Magaalada Hiroshima uga qaybgalo munaasabadda 6-da August, ee lagu xusayo 77 guuradii ka soo wareegatay, markii Mareykanku uu bam nuclear-kii ugu horreeyay ku dhuftay Hiroshima, iyadoo 3 cisho ka dibna uu bamkii labaad ku dhuftay Magaalada Nagasaki ee dalkaasi Japan, xilligii dagaalkii 2aad ee adduunka.

Bambaanooyinkan ayaa waxaa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaaso inta u dhaxeyso 129,000 illaa 226,000 oo qof, kuwaa oo intooda badan rayid ahaa.

Faallooyin