Ukraine oo shacabkeeda ugu baaqday inay ka baxaan Magaalada Lysychansk

Saraakiisha Bariga Ukraine ayaa ku baaqay inay shacabku isaga baxaan Magaalada Lysychansk ee Gobolka Luhansk, xilli Ciidamada Ruushka ay isku dayayaan inay go'doomiyaan Ciidamada Ukraine ee weli ka dagaalamaya magaaladaasi.

Taliska Ciidamada Ukraine ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Militariga Ruushka ay laba jiho ka go'doominayaan magaalada, si ay culeys ugu saaraan ciidamada wax iska caabinaya.

"Jihada Donetsk, cadowgu wuxuu sii wadaa inuu diiradda saaro isku dayga lagu doonayo in lagu hareereeyo Ciidamada Difaaca meel u dhow Magaalada Lysychansk, iyagoo isku dayaya in ay magaalada ka xanibaan koonfurta iyo koonfur galbeed." Ayaa lagu sheegay warka.

Gudoomiyaha Gobolka Luhansk, Serhiy Haidai ayaa ku baaqay in rayidku ay si degdeg ahi uga baxaan magaalada bari, sababo ku aaddan xaaladda oo uu ku sheegay mid aad u adag.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay jirto halis dhanka nolosha iyo caafimaadka, ayna tahay in dadweynuhu isaga baxaan magaaladaasi.

Moscow ayaa cududeeda isugu gayneyso qabsashada magaaladaasi, ka dib markii Sabtidii ay si buuxdo ula wareegtay gacan ku haynta magaalada deriska la ah magaaladaasi ee Severodonetsk.

Madaxtooyada Ukraine ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Severodonetsk iyo Lysychansk ay qarka u saaran yihiin inay ka go'aan dalka intiisa kale.

Faallooyin