Shirka Wadamada G7 oo ka furmay Jarmalka iyo colaadda Ukraine oo looga hadlayo

Hoggaamiye-yaasha Wadamada G7 ee warshadaha ku horumaray ayaa waxa uu maanta shir uga furmay dalka Jarmalka, kaasoo diiradda lagu saarayo duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Hoggaamiye-yaasha ayuu shir saddex maalmood socon doono uu uga socdaa Buuraleyda Bavarian Alps, si ay ugu muujiyaan inaanu Ruushku kala qaybin karin.

Image

Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz oo shirkani martigelinaya ayaa sheegay in yoolkoodu uu yahay farriin cad, oo ay u dirayaan Madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in midnimadu ay tahay hub muhiim ah, marka ay noqoto in laga hortaggo gulufka ballaaran ee Ruushku ka wado Ukraine. Waxa uu intaasi ku daray in illaa iyo hadda ay muuqato midnimo looga hortaggayo Moscow.

"Waa inaanu mideysnaanaa, maxaa yeelay Putin waxa uu ku xisaabtamayaa in ay bilaabato in ay si uun u kala fur furmaan Gaashaanbuurta NATO iyo Wadamada G7, si aynu u kala qaybsano, balse kala qaybsami mayno, waxa aanu ahaanaynaa mid, marka aqbali mayno gardaradiisa inay meelmarto oo aan laga falcelin." Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Boris Johnson, Ra'iisal Wasaaraha Britain ayaa dhankiisa sheegay inuu jiro cadaadis iyo walaac ka dhashay burburka xoogan, ee uu duulaanka Ruushku dhaliyay.

Hoggaamiye-yaasha G7 ayaa garab istaag u muujin doono Ukraine, iyagoo dhanka kalena xayiraado dheeri ah ku soo roggi doona Ruushka.

Madaxweynaha Golaha Yurub, Charles Michel ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan, sidii loo wiiqi lahaa dhaqaalaha Moscow.

"Waxaanu diyaar u nahay inaanu eegno in sidoo kale cunaqabateynta lagu daro dahabka Ruushka, si dhaqaalaha Ruushka cadaadis loo saaro, waana ujeedada guud ee aynu ka mideysanahay arrintaasi." Ayuu yiri Charles Michel.

Madaxda G7 ayaa sidoo kale ka wada hadli doona Shiinaha iyo sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka cirka isku sii shareeraya, tamar yarida iyo dhibaatada sahayda cuntada adduunka ee sii kordheysa.

Xiisadda xulafada NATO iyo Ruushka ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Ciidamada Ruushka ay ka gudbeen xuduudda Ukraine.

Faallooyin