Ukraine oo weerartay goobaha shidaalka ee Gacanka Crimea

Maamulka Gobolka Crimea ee hoos-tagga Ruushka ayaa sheegay in Ciidamada Ukraine ay maanta garaaceen saddex goobood oo ku yaala Xeebaha Badda Madow.

Madaxa Maamulka Crimea, Sergey Aksyonov ayaa sheegay in Ciidamada Ukraine ay beegsadeen goobahaasi oo shidaalka laga qodo, ayna weerarkaasi ku dhaawacmeen saddex qof.

"Cadowgu waxay weerareen goobo shidaalka laga qaado, oo ay maamusho shirkadda maxaliga ah ee Chernomorneftegaz." Ayuu yiri Sergey Aksyonov.

Waxaa uu sheegay in mid ka mida goobaha la beegsaday ay ku sugnaayeen 12 qof, kuwaa oo saddex ka mida la ogyahay in weerarka ku dhaawacmeen, iyadoo shan kalena la soo badbaadiyay, halka afarta kalena la baadigoobayo.

Maamulka Crimea ayaa sheegaya in la hakiyay shaqadii ka socotay goobahaasi, ka dib markii uu dab qabsaday.

Xoogaga uu Ruushku taageero ayaa Chernomorneftegaz kala wareegay Shirkadda Gaaska Qaranka Ukraine ee Naftogaz, taas oo qayb ka ahayd qabsashadii Moscow ee Gacanka Crimea, sanadkii 2014. Shirkadan ayaa saaran cunaqabateynta Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Waa weerarkii ugu horreeyay oo noociisa ah ay Ukraine ka gaysato Crimea, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Faallooyin