Madaxweynaha Mareykanka oo kulan ka dalbaday Kim Jong-un

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo booqasho ku maraya Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inuu doonayo kulan fool ka fool ah inuu la yeesho Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, haddii kulankaasi Madaxweyne Kim Jong-un uu ka go'an yahay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Waqooyiga Kuuriya ay diyaar ula yihiin shixnad gargaar oo tallaalka COVID-19 ah, si ay ugula tacaasho kiisaska cudurkaasi ee dalkeeda ku sii faafaya.

Image

Kuuriyada Waqooyi oo aan cilaaqaad la lahayn Mareykanka iyo Wadamada Midowga Yurub ayaan weli ka hadlin taageerada dhanka caafimaadka ee Mareykanka uu u muujiyay.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta Magaalada Seoul kulan kula yeeshay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfueed, Yoon Suk-yeol, kaas oo ay ka wada hadleen suurtagalnimada, haddii Kuuriyada Koonfureed la gayn karo diyaarado dheeri ah oo kuwa dagaalka Mareykanka ah.

Biden oo ka barbar hadlayay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Mareykanku uu garab taagan yahay Xukuumadda Seoul, ayna Washington diyaar u tahay xoojinta awoodda difaaca ee Seoul ku wajihi karto Pyongyang.

"Maanta Madaxweyne Yoon iyo aniga waxaa naga go'an inaan xoojino, kana wada shaqayno ka hortagga caqabadaha ku gadaaman amniga gobolka, oo ay ku jiraan khatarta ka imaaneysa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kuuriyada Waqooyi. Anagoo sii xoojinayna difaaceena iyo inaan ka shaqayno, sidii aan gacanka Kuuriya uga dhigi lahayn goob Nuclear-ka ka caagan. Sida uu Madaxweynuhu horey uga hadlay kor u qaadidda xasilloonida guud ahaan marin biyoodka Taiwan iyo sidoo kale hubinta xorriyadda socdaalka ee Badda Koonfurta Shiinaha iyo wixii ka dambeeya." Ayuu yiri Biden.

South Korean President Yoon Suk-yeol looks on as U.S. President Joe Biden delivers remarks during a visit to a semiconductor factory at the Samsung Electronics Pyeongtaek Campus in Pyeongtaek, South Korea, May 20, 2022. REUTERS/Jonathan Ernst

Image

Image

Image

Faallooyin