Ruushka oo burburiyay hub ay Reer Galbeedka siiyeen Ukraine

Ruushka ayaa sheegay in uu duqayn ku burburiyay hub ay Wadamada Reer Galbeedku siiyeen Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka uu ku hayo dalkaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa daboolka ka qaaday in saanadda hubkaasi ay ku burburiyeen meel u dhow xarunta tareenada ka baxaan ee Gobolka Zhytomyr, oo dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Caasimadda ah ee Kiev.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in gantaal laga soo riday badda loo adeegsaday in lagaga hortaggo adeegsiga hubkaasi, oo Reer Galbeedku ugu talagaleen in lagu curyaamiyo hawlgaladooda ka socda dalkaasi.

Sidoo kale Moscow ayaa sheegtay in hubkaasi loo waday Ciidamada Ukraine ee ka dagaalamaya gobolka bari ee Donbas.

Dhanka kale Moscow ayaa sheegtay inay duqayn kale ku burburisay xero ay ku tababartaan Ciidamada Kumaandooska Ukraine iyo keyd shidaal, oo ay ku leeyihiin meel ku dhow magaalada taariikhiga ah ee Odessa.

Saraakiisha Ukraine ayaan weli ka hadlin warkan ugu dambeeya ee sheegaya in Ruushku uu burburiyay xero ay ku tababaranayeen ciidamadooda gaarka ah.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa galay toddobaadkiisii laba iyo tobanaad.

Faallooyin