Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo ka wada hadlaya dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Madaxweynaha kuuriyada koonfureed Yoon Suk-yeol iyo dhiggiisa mareykanka Joe Biden ayaa kulan kula yeelanaya sabtida maanta ah magaalada caasimada ah ee Seol ee dalka ku yaal qaarada Aasiya.

Kulanka labada hogaamiye ayaa ujeedadiisu tahay xoojinta xiriirka labada wadan iyadoo sidoo kale diirada lagu saarayo walaaca laga qabo tijaabada gantaalaha nuclear-ka ee kuuriyada Waqooyi.

Booqashada Biden oo markii ugu horeysay uu ku marayo wadamada Japan iyo kuuriyada koonfureed ayaa ujeedada uu ka leeyahay waxay tahay sidii wadamada saaxiibada la ah ee Aasiya ugu xaqiijin lahaa sida Mareykanka uga go,antahay in uu difaaco xilli uu sii xoogeysanayo awooda shiinaha ee qaarada Aasiya, xilli wadamada caalamka ay xooga saarayaan weerarka Ruushka ku qaaday Ukraine.

Biden iyo Yoon ayaa sidoo kale ka munaaqashoon doona dagaalka Ruushka iyo Ukraine xoojinta xiriirka ganacsi ee Washington iyo Seol technology-da isbadalka cimilada iyo tijaabada gantaalaha Nuclear-ka kuuriyada Waqooyi.

Faallooyin