Ciidamada Israel oo toogasho ku dilay Wariyihii Aljazeera ee Daanta Galbeed

Shireen Abu Akleh oo ahayd Wariyihii Aljazeera uga soo warami jirtay dhulka Falastiiniyiinta ee Israel xoogga ku haysato ayaa saaka u geeriyootay rasaas ay furayn Ciidamada Israel, xilli ay hawlgal ka wadeen Daanta Galbeed.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay toogasho ku dileen Wariyihii Rugcaddaaga ee Aljazeera, gudaha Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed.

Image

Maamulka Aljazeera ayaa bartooda Internet-ka ku sheegay in gabadhaasi ay u geeriyootay rasaas ay furayn Ciidamada Israel.

Militariga Israel ayaase sheegaya, laga yaabo in Shireen Abu Akleh ay haleeshay rasaas ay Falastiiniyiintu ku soo rideen askartooda, ka dib isku dhac dhex maray labada dhinac.

Shireen Abu Akleh oo 51 jir ahayd ayaa la toogtay, xilli ay ka soo warameysay weerar ay Ciidamada Israel ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin. Xabad ayaana wejiga kaga dhacday.

Sidoo kale Wariye kale oo reer Falastiin ah, laguna magacaabo Ali al-Samoudi ayuu dhaawac ka soo gaaray dhabarka, inkastoo ay xaaladiisu degan tahay.

Shatha Hanaysha oo ah Saxafiyad la socotay Shireen ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay inay si bareer ah rasaasta ugu soo furayn.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta waxaa jira muuqaalo goobta laga qaaday xilligii rasaastu dhaceysay, oo muujinaya Ciidamada Israel oo toogashadaasi gaysanaya.

Image

Faallooyin