Kenya oo cabsi ka muujisay weeraro kaga imaan kara Al Shabaab

Laamaha amniga Kenya ayaa la galiyay heegan sare kadib weerarkii dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen todobaadkii hore saldhig ciidanka howlgalka xasilinta midowga Afrika ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka shabeelaha Dhexe.


Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay toban askari oo ka tirsan ciidanka Burundi sida ay dad goob joogayaal ah u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Sargaal sare oo ka tirsan ciidanka Kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in ay la socdaan qorshaha Al-Shabaab oo ah in ay weerar ka geystaan gudaha dalkaas ayna jirto cabsida ah suuragalnimada weeraro dhici Kara.


Wuxuu intaa ku daray in isku daygaan uu taagnaa tan iyo dabayaaqadii bishii Ramadaan oo gobolka waqooyi bari roobab xoogan ay ka da,een oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraradooda ugu badan Geystaan.


Sargaalkan ayaa intaa raaciyay in adkeeyeen xadka Kenya ay la leedahay Soomaaliya oo ay dhici karto in dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka gudbi karaan si howlgalkooda qorsheysan ay u Fuliyaan.


Ciidanka amniga Kenya ayaa ka hortagga arintaan kala kaashan doona, laamaha amniga Soomaaliya iyo dadka ku dhaqan xadka ismaamulada Garissa Wajeer iyo Mandera sida uu sargaalkan Sheegay.


Weerarkii ka dhacay saldhiga Ceel-Baraf ayaa dagaalyahanada Al-Shabaab ku sheegteen in ay ku dileen in kabadan konton askari walow tv-ga qaranka Burundi uu baahiyay in 25 askari ay kaga dhaawacantay Weerarkaan.

Faallooyin