Reer Galbeedka oo cambaareeyay xaaladda degdegga ee lagu soo rogay Sri Lanka

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa cambaareeyay tallaabada uu Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa uu xaaladda degdegga ah ku geliyay dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa Jimcihii soo saaray go'aan digreeto oo xaalad degdegga ahi loogu soo rogayo dalkaasi, ka dib dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo oo dalkaasi ka dhacay.

Image

Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda maciishadda quutul daruuriga ee dalkaasi oo cirka isku shareertay iyo sicir bararka ku sii baahaya dalka oo dhan.

Danjiraha Mareykanka ee dalkaasi, Julie Chung ayaa sheegtay in codka nabadda muwaadiniinta ay tahay in la dhageysto oo la maqlo.

Midowga Yurub ayaa dhankooda sheegay in xalaadda degdegga aysan waxba ka tari doonin dhibaatada halkaasi ka taagan. Waxay sheegeen muddada bisha ah ay socdeen mudaaharaadyada dowladda lagaga soo horjeedo ay illaa hadda nabad ahaayeen.

Digreetada Madaxweyne Rajapaksa ayaa loo fasirtay mid uu si adag uga falcelinayo baaqa dibadbaxayaasha, ee ah inuu xilka iska casilo.

Diblomaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay Caasimadda Colombo ayaa ku baaqaya in Madaxweynuhu ka laabto xaaladda degdegga, bacdamaa ay xaaladda uun kaga sii dari karto.

Faallooyin