Militariga Burkina Faso oo sheegay inay afgembi kula wareegeen taladii dalka

Militarga dalka Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay inay xoog kula wareegeen taladii dalka, meeshana ay ka saareen dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Roch Kabore.

Sarkaal ka tirsan militariga ayaa Telefishinka Qaranka kaga dhawaaqay inay awoodda dalka afgembi kula wareegeen. Militariga ayaa dowladda ku eedeeyay inaanay siinin taageero ku filan, si ay uga hortaggaan kooxaha Islaamiyiinta.

Burkina Faso army says it has deposed President Kabore | Military News | Al  Jazeera

Axaddii, ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay Xeryaha Ciidamada Militariga, iyadoona xalay rasaas laga maqlayay magaalo madaxda dalkaasi ee Ouagadougou, gaar ahaan nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada.

Militariga ayaa xabsiga dhigay Madaxweyne Kabore iyo Saraakiil sarsare oo dowladdiisa ka tirsan, kuwaa oo sida ay sheegeen lagu hayo xeryo militari oo ku yaala Caasimadda Ouagadougou.

Dad shacab ah oo taageero u muujinayay Ciidamada Militariga ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka caasimadda.

Madaxweyne Kabore ayaa dalkaasi xukumayay, tan iyo sanadkii 2015. Horey waxa uu u soo noqday Ra'iisal Wasaaraha dalkaasi, intii u dhaxeysay 1994-1996.

Faallooyin