Kenya oo xaqiijisay saddex kiis, nooca cusub ee COVID-19

Kenya ayaa noqotay dalkii 3aad ee Bariga Afrika ku yaala ee laga xaqiijiyo nooca cusub fayriska Corona ee Omicron. Horey waxaa looga xaqiijiyay dalalka Uganda iyo Rwanda.

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Mombasa ayaa sheegay inay kiisaskan noqonayaan, kuwoodii ugu horeeyay ee dalka laga xaqiijiyo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in mid ka mida saddexda qof ee fayriska cusub laga helay uu ka soo safray dalka Koonfur Afrika, labada kalena ay yihiin muwaadiniin reer Kenya ah.

Dalka Kenya waxaa aad ugu soo badanaya dadka uu soo ridanayo hargabka, iyadoona ay kordheen kiisaska dadka laga helayo xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Talaadadii oo keliya waxaa dalkaasi laga diiwaangeliyay 331 kiis oo cusub, waana tiradii ugu badneyd ee dalkaasi laga diiwaangeliyo, waa-yadaan.

Maxkamad ku taala Kenya ayaa maalin ka hor hakisay amarkii dowladda ee ahaa in dadka aan tallaalka qaadan laga mamnuuco inay helaan adeegyada, laga bilaabo 21-ka bishan.

Omicron ayaa si xowli ah ugu fidaya dunida, kaasoo markii ugu horeysay 24-kii bishii November laga helay Koonfur Afrika.

Khubarada caafimaadku waxay sheegeen in faracan cusub Omicron uu ka halis badan yahay noocyada kale ee COVID-19.

Faallooyin