Abiy Ahmed oo dib ugu laabtay jiidda hore ee dagaalka

Abiy Ahmed, Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku laabtay jiidda hore ee dagaalka, si uu mar kale u dardargeliyo hawlgalada ka dhanka ah kooxaha fallaagada.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa Arbacadii dib ugu laabtay xafiiskiisa, ka dib toddobaadyo uu hoggaaminayay dagaalka ay Ciidamada Dowladda Federaalka kula jiraan TPLF iyo xulafadeeda.

Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Abiy Ahmed uu Axaddii dib ugu laabtay furinta dagaalka, si mar kale uu Ciidamada Qaranka ugu hoggaamiyo guulaha ay ka gaarayaan dagaalka.

Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in ku laabashada Abiy Ahmed ee aagaga dagaalka ay ku soo aadayso, xilli Ciidamada Militariga ay jareen waddada halbowlaha ah ee xiriirisa Magaalooyinka Mekelle iyo Weldiya (Woldia).

Woldia waxay noqonaysaa magaalada labaad ee Tigraygu ka jooggaan Gobolka Amxaarada, marka laga soo taggo Magaalada Lalibela, oo shalay galab ay dib ula wareegeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Federaalka oo garabsanaya kuwa Amxaarada ay ku sii siqayaan Magaalada Woldia, oo qiyaastii 2112 mitir ka sareysa joogga biyaha badda.

Saraakiisha Tigrayga oo sheegay inay dib isu abaabulayaan ayay dhanka kale xoogagoodu isku dayayaan inay difaacdaan gacan ku haynta magaalada buuraleyda ee Woldia.

Dagaalka sanadka labaad ka soconaya dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo malaayiin qof ay ku barakacday, halka malaayiin kalena ay xaalad macluul ahi wajahayaan.

Faallooyin