Militariga Itoobiya oo la wareegay magaalada taariikhiga ah ee Lalibela

Ciidamada Militariga Itoobiya oo garabsanaya Ciidamada Dowlad Deegaanka Amxaarada ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii la wareegay gacan ku haynta magaalada taariikhiga ah ee Lalibela.

Lalibela oo magaalo istiraatiiji ah ayaa ku taala Gobolka Amxaarada. Bishii August ayaa waxaa la wareegay Xoogaga TLPF.

Hay'adda UNESCO ayaa magaaladan u aqoonsatay goob taariikhiya oo dhaxalgala, iyadoona ahayd goob loo dalxiis taggo, ka hor inta aanu dagaalku ka qarxin dalkaasi.

Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa xalay baahisay in sidoo kale ay ciidamadu la wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Lalibela.



Dhinaca kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta ee Itoobiya, Dr. Legesse Tulu ayaa sheegay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Canfarta ay hadda dib u dejin ka sameynayaan Magaalooyinka Gobolka Canfarta ee laga saaray kooxaha fallaagada.

"Dhanka furinta bariga Ciidamada Difaaca Qaranka, Ciidamada gaarka ah ee Deegaanka Canfarta iyo maleeshiyaadka Canfarta waxay magaalooyinkii dhawaan la xoreeyay ee Deegaanka Canfarta ay ka wadaan, sidii maamuladii halkaasi ka jiray iyo dadkii ka barakacay colaadda dib loogu soo celin lahaa magaalooyinkoodii, si ay noloshoodii u sii wataan." Ayuu yiri Legesse Tulu.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maalmihii ugu dambeysay guulo is xig-xigay ka gaarayay dhammaan goobaha iska horimaadyada.

Faallooyin