Madaxweynaha Uganda oo u hanjabay Kooxda ADF

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa si carro leh kaga hadlay labadii weerar ee ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda.

Madaxweynaha Uganda ayaa ku hanjabay inay dowladiisa qaadeyso hawlgalo sida uu sheegay lagu ciribtirayo Kooxda Allied Democratic Forces (ADF).

ADF oo xiriir la leh ururka isku magacaabay Dowladda Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay qaraxyadii mataanaha ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Kampala.

Madaxweynaha ayaa maleeshiyadii weeraradaasi fulisay ku tilmaamay doofaaro, waana fal wuxuushnimo ah oo ay caadeysatay buu yiri argagixisada.

Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda ayaa ku goodiyay in kooxdani ay ku bartilmaameedsan doonaan halka ay jooggaan iyo fariisimahoodaba.

ADF ayaa kordhisay qaraxyada ay ka gaysanayso dalkaasi, xilli ay si weyn uga soo horjeeddo nidaamka hadda ka jira dalkaasi.

Dadka reer Uganda ayaa walaac ka muujiyay qaraxyada Talaadadii ka dhacay Caasimadda Kampala, marka aad eegto goobaha ay ka dhaceen, oo ay ku yaallaan xafiisyo muhiim ah oo dowladeed iyo wasaarado, waana meel ay ciidamada amniga ku badan yihiin.

Faallooyin