Toban sano oo laga jooggo dilkii Muammar Gaddafi

Waxaa maanta toban sano laga jooggaa, markii Madaxweynihii hore ee dalka Libya, Muammar Gaddafi lagu dilay Magaalada Sirte ee dalkaasi.

Kooxihii fallaagada ee dilay ayaa gacanta ku dhigay 20-kii bishii October ee sanadkii 2011, xilli uu isku deyayay inuu ka baxsado dalkaasi.

Kacdoonkii ay taageerayeen bahwadaagta NATO ee xukunka looga tuuray Korneyl Gaddafi ayaa dalkaasi u horseeday fowdo, xasillooni la'aan iyo nidaamkii dowliga oo meesha ka baxay.

Muddadaasi, dalka ayaa u kala qaybsamay laba maamul oo iska soo horjeeda, isla-markaana kala fadhiya Benghazi oo bariga ah iyo Tripoli oo dhinaca galbeed ah.

Gaddafi ayaa laba iyo afartan sano ka arriminayay dalkaasi, waana Madaxweynihii ugu muddada dheeraa ee soo mara dalkaasi. Sidoo kale waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee ka taliyo dal Carbeed ama Afrikaan ah.

Gaddafi ayaa tallada dalkaasi la wareegay 1-dii bishii September ee sanadkii 1969-kii, ka dib markii inqilaab militari uu xukunka kaga tuuray Boqor Idris al-Senussi.

Inkastoo aysan dadka reer Libya xusin geerida Korneyl Gaddafi, haddana waxay qabaan inaanan la mahdin geeridiisii, marka aad eegto sida dilkiisii uu astaan ugu noqday waxa maanta ka jira dalkaasi.

Faallooyin