Dilaa halis ahaa oo ka baxsaday xabsi ku yaala Nairobi iyo digniin laga soo saaray

Masten Milimo Wanjala oo loo aqoonsaday inuu yahay dad qalato ayaa ka baxsaday saldhig boolis oo ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ciidamada Booliska ayaa 25-kii bishii July ka soo qabtay Ismaamulka Kajiado, iyadoona uu Saraakiisha Booliska u sheegay inuu dilay 12 carruur ah.

Masten Milimo ayaa horaan qirtay inuu afduuban jiray carruurta, marka uu dilana uu dhiigooda nuugi jiray amaba uu jaqi jiray.

Baxsashada uu ka baxsaday Saldhigga Booliska ee Waddada Jogoo ayaa imaanaysa, saacado yar uun ka hor, inta aan maanta la horgayn maxkamad ku taala magaaladaasi, isagoona wajahayay 14 dacwadood.

Sarkaal Boolis ayaa laga soo xigtay in eedeysanaha la waayay 7-dii subaxnimo ee saakay, xilligaas oo booliska ay tirinayeen maxaabiista ku xiran saldhigaasi, isla-markaana uu fillaayo inuu baxsaday xalay.

Sarkaal kale ayaa sheegay inuu tuhunsan yahay in ninkaasi uu baxsaday, intii ay kala soocayeen maxaabiistii loo waday maxkamadda iyo kuwii kale ee qolalka ku harayay.

Ka dib baxsashadiisa Saraakiil sarsare oo Booliska Nairobi ka tirsan ayaa kormeeray saldhigaasi, bal si ay wax uga ogaadaan waxa dhacay.

Taliyaha Booliska Nairobi, Augustine Nthumbi ayaa sheegay inay baadigoob ugu jiraan, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayen dilaagaasi halista badan. Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay inay ku soo wargeliyaan, cid kastoo aragta.

Booliska ayaa sheegay in Masten Milimo loo haysto 14 dil oo ka kala dhacay Nairobi, Machakos iyo Galbeedka Kenya, wuxuuse qirtay inuu dilay 12 carruur ah.

Ismaamulada qaarkood ayaa lagu wargeliyay digniinta la xiriirta inuu baxsaday ninkii khatarta ku ahaa nolosha barbaarta.

Faallooyin