Madaxweynaha Kenya oo si adag uga hadlay xukunkii maxkamada Cadaalada

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa gaashaanka u daruuray xukunka garsoorayaasha Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada oo loo yaqaan ICJ ay ka qaateen dooda ay Kenya ku sheegatay badda Soomaaliya.


Mr Kenyatta ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Kenya aysan aqoonsan doonin xukunka maxkamada ICJ.


Inkasta oo aan ku qanacsaneyn xukunkaan hadane waxa ay kenya ka walaacsan tahay saameynta uu ku yeelan karo geeska Afrika guud ahaan iyo sharciga Caalamiga ayuu hadalkiisa ku daray Kenyatta. 


Go,aanka kama danbeysta ah ee talaadadii shalay ayaa Maxkamada caalamiga ah ee ICJ waxay ku dhawaaqday In Soomaaliya ay leedahay badda hodanka ku ah Saliida, kadib dacwad mudo dheer ka socotay maxkamada cadaalada Aduunka.

Hogaamiyaha Kenya ayaa ku dhaliilay sidoo kale ICJ in ay qaadatay xukun cadaalad darro ah tiiyoo ay jirto in ay diiday in hab farsamo oo la xiriirta xalinta qilaafaadka gobolka iyo adeegsiga sharci yaqaanada ururka midowga Afrika.


Mr Kenyatta ayaa ku adkeystay in ICJ aysan awood u laheyn ka hor xukunka in ay sii wado dhageysiga dacwada, maadaama Kenya ay horay u Diiday.

Si kastaba ha ahaatee bulshada soomaaliyeed ee ku nool daafaha dalka iyo dunida ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamada ICJ ay ku ayyiday badda ay sheegatay Kenya in ay Soomaaliya leedahay.

Madaxweynaha qaranka Maxamed CabdulaahI Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay diiday in gunnimo dhereg leh ay Qaadato.

Faallooyin