Dhaliil xoogan oo loo jeediyay madaxda Soomaalida Kenya

Hogaamiyeyaasha siyaasada gobolka waqooyiga bari Kenya ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabiyeen ka hadalka iyo waxka qabashada abaaraha baahsan ee ka jira ismaamulada Oomanaha loo yaqaan oo duunyada iyo duurjoogta ku nool hada ay bilaabeen in macluul ay u Dhintaan.

                                                                                                                                            
Gudoomiyaha guddiga suuq geynta xoolaha nool, Mr Dubat Cali Camey oo shir saxaafadeed ku qabtay bartamaha magaalada Garissa. ayaa dhaliil u soo jeediyay madaxda ismaamulada Garissa Wajeer iyo Mandera oo uu sheegay in aysan xil iska saarin sidii lagu caawin lahaa duunyada iyo dadka abaarta dilootay, maalin aan maanta aheyn na lala xisaabtami Doono.


Mr Dubat ayaa docda kale ku amaanay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, sida uu ugu dhawaaqay in gobolka ay ka jirto masiibo qaran iyo daneynta bulshada maadaama wasiirka lacagta uu ka dhigay shaqsi ku heyb tirsada Xoola Dhaqatada.


Oday dhaqameedkan ayaa sidoo kale soo jeediyay in madaxda gobolka waqooyi bari iyo dowlada wada jira lala yimaado qorshe miro dhal ah si meesha looga saaro abaarta isaga tusaale u soo qaatay dalka Mongolia xad wadaag la ah wadamada shiinaha iyo Ruusha, caana ku ah dhaqashada duunyada iyo duur Joogta.


Todobaadkii hore ayay aheyd markii hogaamiyaha mucaaradka Mr Raila Odinga uu olole siyaasadeed ku gaaray magaalada Garissa iyo madaxda Soomaalida ee ka soo jeeda Garissa Wajeer iyo Mandera lagu eedeeyay in aysan ka hadlin xaalada Abaarta.

Faallooyin