Raila Odinga: oo qiray in Soomaalida Kenya aysan helin xaquuqdii ay ku lahaayeen Dowlada

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ODM ee dalka Kenya Mr Raila Odinga ayaa ka hadlay dib u dhaca 50-kii sano la soo dhaafay ka taagan gobolka waqooyi bari Kenya ee soomaalida Degto.

Mr Odinga oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay gudaha magaalada Garissa isu soo bax ka dhacay ayaa sheegay in dowladihii soo maray Kenya dhamaantood ay ka seexdeen hormarinta kaabayaasha aasaasiga u ah nolosha sida biyaha iyo Caafimaadka.


Mr uu soo hadal qaaday waxa uu ka qabtay inta uu ra'isul wasaaraha ka ahaa Kenya ayaa wuxuu tilmaamay in uu sameeyay wasaarada u gaar ah wax ka qabashada baahiyaha gobolka waqooyi Bari iyo deegaanada Oomanaha.


Raila Odinga ayaa sidoo kale balan qaaday in uu wax ka qaban doona abaaraha ka taagan ismaamulada Garissa Wajeer iyo Mandera oo hada ka sii dareysa iyadoo duurjoogta iyo xoolaha la dhaqdo deegaanada qaarkood ay bilaabeen in ay oon u Dhintaan.


Si kastaba ha ahaatee hogaamiyaha mucaaradka Kenya Mr Raila Odinga ayaa waday todobaadyadii la soo dhaafay olole uu ku doonayo in lagu doorto loolanka ka dhacaya Kenya xagaaga 2022-da.

Faallooyin