Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socdo dalka Itoobiya

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka socdo xadka Gobolka Tigraygu la wadaago Maamulada Amxaarada iyo Canfarta.

Ka dib sideed bilood oo dagaalo ay ka socdeen Gobolka Tigrayga, dagaalka ayaa haatan u muuqdo mid ku sii fidaaya gobolo kale, tani ayaana ka dambeysay, markii TPLF ay weerartay maamulada ay deriska yihiin.

Jabhadda TPLF ayaa toddobaadkii hore duulaan ku qaadday qaybo ka mida Gobolka Canfarta. Sarkaal u hadlay TPLF ayaa sheegay inay ka hortaggayaan ciidamada ka socdo Gobolka Amxaarada ee taabacsan Militariga Federaalka.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa mid muhiima u aragto Gobolka Canfarta, bacdamaa uu maro jidka tareenka ee isku xira Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Gobolka Amxaarada, Agegnehu Teshager ayaa dadkiisa ugu baaqay inay hubka qaataan, kana hortaggaan jabhadda TPLF ee ka dagaalamaysa dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa cid kastoo qoriga qaadi karta ugu yeeray inay dhammaan ku soo biiraan dagaalka, laga bilaabo Isniinta maanta, si ay u difaacdaan jiritaankooda, sida uu yiri.

Madaxweynaha Gobolka Canfarta, Awol Arba ayaa Jimcihii ku baaqay in la'iska caabiyo duulaanka fallaagada TPLF.

Dhanka kale qaybo ka mida dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socdo dibadbaxyo looga soo horjeedo TPLF, isla-markaana lagu taageerayo Ciidamada Federaalka.

Maamulkii TPLF ee 27-ka sano ka arriminayay dalkaasi ayaan wax xiriir ah la lahayn Dowlad Deegaanada dalkaasi, waxaase la fahamsan yahay in cilaaqaad dhow la leeyahay wadamada dibadda, oo kuwa Reer Galbeedka ay ugu horeeyaan.

Faallooyin