Dowladda Koonfur Afrika oo kordhisay ciidamada ka hortagaya rabshadaha

Dowladda Koonfur Afrika ayaa kordhisay tirada ciidamada ka qayb qaadanaya dadaalada ay tahay in lagu xakameeyo rabshadaha ka socda dalkaasi.

Dowladda ayaa 25,000 gaarsiisay tirada ciidamada ka qayb qaadanaya hawlgalada lagu doonayo in looga hortaggo dadka qulqulooyinka ka wada dalkaasi, isla-markaana boobaya goobaha ganacsiga.

Ciidamada Militariga ee hawlgaladaasi ka qayb qaadanaya ayaa tiradooda laga dhigay 5,000 oo askari, halka ay markii hore ahaayeen 2,500 oo askari.

Ciidamada Booliska oo gacan ka helaya kuwa militariga ayaa la arkayay, iyagoo wadooyinka Magaalooyinka Johannesberg iyo Durban ku qabqabanaya tiro dad ah oo bililiqeysanayay xarumo ganacsi.

Xaaladda ayaa maanta u muuqatay mid degan, marka loo eeggo rabshadaha maalmihii la soo dhaafay ka jiray dalkaasi.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in meelaha qaarkood ay ka bilowdeen olole lagu nadiifinayo wadooyinka.

Qulqulooyinka ka dhashay xariga Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jacob Zuma ayaa lagu sheegay kuwoodii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca, tan iyo intii uu madaxbannaanidiisa helay.

Image

Image

Image

Image

Faallooyin