Talyaaniga oo ku guuleystay koobka wadamada Yurub

Ciyaartoyda xulka kubadda cagta ee qaranka Talyaaniga ayaa caawa ku guuleystay tartanka kubadda cagta ee qaramada qaaradda Yurub, ka dib markii gool ku laad 3-2 ay kaga adkaadeen ciyaartoyda Ingiriiska.

Labada kooxood ayaa ciyaar xiiso badan ku soo bandhigay garoonka Wembley ee Magaalada London, iyadoona qaybtii 1aad ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0, oo ay ku hoggaaminayeen ciyaartoyda Ingiriiska, oo goolkaasi uu daqiiqadii 2aad u xaqiijiyay Luke Shaw.

Qaybtii 2aad ee ciyaarta daqiiqadii 67aad ayuu Talyaaniga la yimid goolkii barbardhaca, waxaana u dhaliyay Leonardo Bonucci.

Labada kooxood ayaa 90-kii daqiiqo ee ciyaarta isla dhaafi waayay barbaro min 1-1 ah, iyadoona garsoore Bjon Kuipers uu ciyaarta ku daray 30 daqiiqo oo dheeri ah, inkastoo aanay waxba iska bedelin natiijadii ciyaarta, ayna ku soo idlaatay 1-1.

Italy beat England 3-2 on penalties in final to win their  2nd European Championship title | Football News - Hindustan Times

Si loo kala saaro labadaasi kooxood ayuu garsooraha Dutch-ka ku kala saaray riyooreyaal, oo ay 3-2 ku adkaadeen ciyaartoyda Talyaaniga.

Waa markii labaad oo dalka Talyaaniga uu ku guuleysanayo koobka wadamada Yurub, kiisii koobaad ayuuna ku guuleystay sanadkii 1968-kii, iyagoo 2-0 ku garaacay dhigooda Yugoslavia.

Faallooyin