Tigrayga oo shuruudo ku xiray xabad joojinta loogu baaqay

Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya ayaa shuruudo ku xiray xabad joojinta deg-degga ah ee loogu baaqay inay sameeyaan.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa toddobaadkii hore xabad joojin hal dhinac ah kaga dhawaaqday Gobolka Tigray, isla-markaana ay sheegtay in Ciidamada Federaal laga soo saaray gobolkaasi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo xabad joojintaasi soo dhaweeyay ayaa dhanka Tigray-gana ugu baaqay in ay aqbalaan xabad joojin deg-deg ah.

TPLF waxay sheegtay xabad joojin ay qaadataa inay ka horeyso, in marka hore la fuliyo shuruudo dhowra oo miiskan u saaran.

Shuruudaha ay soo saartay waxaa ka mid ah:-

In Ciidamada Eritrea ka baxaan goobaha ay haystaan, dibna ugu laabtaan goobahoodii
In Xoogaga Amxaarada ay tahay inay dib ugu laabtaan fariisimahoodii ay ku sugnaayeen, dagaalka ka hor

In guddi madaxbannaan loo xilsaaro xadgudubyadii ka dhacay gobolkaasi, sideedii bilood ee la soo dhaafay, si ay baaritaan ugu soo sameeyaan
In adeegyadii isgaarsiinta iyo korontada dib loo soo celiyo.

Xoogaga TPLF oo Isniintii dib ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray ayaa bilaabay inay isku ballaariyaan gobolkaasi, intiisa kale.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Qaramada Midoobey, Rosemary DiCarlo ayaa sheegtay in gobolkaasi uu mar kale ka qarxi karo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Federaalka oo kaashanaya Amxaarada iyo kuwa Eritrea oo dhinac ah iyo Xoogaga TPLF.

Rosemary DiCarlo waxay kaloo sheegtay inay weli jirto khatar dhalin karto dagaalo iyo amni-darro kaga sii darta amniga aan cagaha badan ku taagneyn ee ka jira gobolkaasi.

Faallooyin