Israel oo duqayn ka gaysatay Marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa xalay weeraro dhanka cirka ah ka gaystay Marinka Gaza, iyadoona ay Israel duqayntaasi ku sheegtay mid jawaab u ahayd buufino qarxa oo kaga yimid dhanka Ururka Xamaas.

Militariga Israel ayaa sheegay in Xamaas ay beegsatay Koonfurta Israel, iyana ay garaaceen goobo ay leeyihiin Militariga Xamaas.

Militariga Israel ayaa sheegaya inay diyaar u yihiin caqabadaha ka dhalan kara xaaladda soo korortay, xitaa haddii uu dagaal noqdo.

Dadka degan Khan Yunis ee Koonfurta Marinka Gaza ayaa goor dambe oo xalay ahayd hurdada kaga soo baraarugay daryanka duqaymihii ay gaysanayeen diyaaradaha Israel.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqayntan ay diyaaradaha Israel ka gaysteen Marinka Gaza.

Xamaas ayaa horey uga digtay inay weerarada dib u bilaabi doonto, haddii dadka reer Israel ee waddaniyaddu madax martay ay isku dayaan inay socod ku soo maraan Qudus-ta Bari ee la haysto.

Israeliyiinta ayaa sanad kasta bisha May dhigga bannaanbaxyo ay ku sheegaan maalinta calanka, maalintaas oo ay u dabaaldeggaan markii ay Israel qabsatay Bariga Magaalada Qudus, oo markii hore ay gacanta ku haysay Dowladda Jordan. Bannaanbaxyada ayaana sanadkan ka dib dhacay xilligoodii.

Ra’iisal Wasaaraha Falastiiniyiinta, Mohammad Shtayyeh ayaa sheegay in arrintaasi ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo aan la mahdin doonin.

Xiisadda ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe ayaa ku soo aadaysa, xilli 21-kii bishii May ay Xamaas iyo Israel wada gaareen xabad joojin.

Faallooyin