Ciidamada Israel oo dilay laba ka mida Sirdoonka Falastiiniyiinta

Ciidamada gaarka ee Israel ayaa laba ka mida Saraakiisha Sirdoonka Falastiin iyo qof kale ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa Khamiistan sheegay in Ciidamada Israel ay dileen laba ka mida Saraakiishooda Sirdoonka, ka dib hawlgal ka dhacay Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed.

Falastiini loo aqoonsaday inuu ahaa mid ka mida raggii la doon doonayay ee weerarka uu ku socday, laguna magacaabi jiray Jamil al-Amuri ayaa waxaa toogtay Ciidamada Israel.

Dharcadka Israel ayaa xalay gudaha u galay Magaalada Jenin, ka hor intii aan toogashada lagu dilin Saraakiishaasi.

Saraakiishan la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Adham Alawi iyo Tayseer Issa, halka kan saddexaad ee bartilmaameedku uu ahaana la oran jiray Jamil al-Amuri.

Waxaa jira Sarkaal kale oo si xun loogu dhaawacay hawlgalka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee Wafa. Sarkaalkan ayaana lagu magacaabaa Muhammad al-Bazour.

Saraakiisha Falastiiniyiinta waxay sheegeen Tayseer Issa iyo Adham Alawi inay ka tirsanaayeen Waaxda Sirdoonka Militariga ee Maamulka Falastiiniyiinta.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Booliska Xuduudaha Israel ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan waaxdooda gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada ay gudaha u galeen Jenin, si ay gacanta ugu soo dhigaan laba ka mida Saraakiisha Islamic Jihad, oo magacyadoodu ay ku kala sheegeen Jamil al-Amuri iyo Wissam Abu.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la tuhmanayaasha iyo shakhsiyaad kale oo hubeysan oo goobta ku sugnaa ay rasaas ugala horyimaadeen, markii ay ciidamada isku dayeen inay gacanta ku soo dhigaan.

Dhacdadan ayaa imaanaysa, xilli labada dhinac ay 21-kii bishii May wada gaareen xabad joojin, ka dib dagaalkii kowda iyo tobanka maalmood socday.

Faallooyin