Qatar oo ku dhawaaqday in $500 milyan ku bixnayso dib u dhiska Gaza

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay 500 oo milyan oo dollar kaga qayb qaadanayso dib u dhiska Marinka Gaza, oo burbur uu ka soo gaaray duqayntii kow iyo tobanka maalmood ee Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa ku dhawaaqay taageerada maaliyadeed ee dowladdiisa ku bixnayso dib u dhiska Gaza.

“Dowladda Qatar waxay ku dhawaaqaysaa 500 oo milyan oo dollar, oo ah taageero dib loogu dhisayo Gaza." Ayuu yiri Wasiirka.

Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa ku warantay in lacagahan lagu caawinayo dadka reer Gaza, oo waxyeelo ka soo gaartay duqaymihii Israel.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Talaadadii sheegay in Mareykanka hoggaamin doono taageerada caalamka looga baadi-goobayo dib u dhiska Gaza.

"Tani waxaan kala shaqayn doonnaa dadku aynu bahwadaagta nahay, anigoo si dhow indhaha ugu hayn doona in dhaqaalaha dib u dhiska reer Falastiin aanay Xamaas u adeegsan wax kale.” Ayuu yiri Blinken.

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza iyo Maamulka Yahuudda ayaa Jimcihii gaaray xabad joojin, ay Masar garwadeen ka ahayd.

Faallooyin