Toogasho 8 qof lagu dilay oo ka dhacday Magaalada Atlanta

21 jir lagu magacaabo Robert Aaron Long ayaa loo qabtay toogasho sideed qof lagu dilay oo ka dhacday Magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia ee Wadanka Mareykanka.

Toogashadan oo saddex goobood ka dhacday ayaa lagu dilay sideed haween ah, oo asal ahaan ka soo jeeday Asia, balse haystay dhalashada Mareykanka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in saacado ka dib falkaasi loo soo qabtay 21 jir lagu magacaabo Robert Aaron Long, kaasoo la tuhunsan yahay in falkaasi uu ka dambeeyay.

Ninkan ayaa hadda lagu baarayaa xabsi ku yaala Koonfur Galbeed Georgia, sda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska.



Captain Jay Baker oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Georgia ayaa sheegay in baarayaashu ay gacanta ku hayaan baaritaanka dhacdadaasi.

"Qaab kasta oo aan ku heli karno cadeymaha iyo ujeedada dhacdadan waanu samayn doonnaa, baarayaashana way tagayaan goob kasta." Ayuu yiri Jay Baker.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden uu cambaareeyay kororka dembiyada naceybka ee ka dhanka ah dadka Mareykanka, balse asal ahaan ka soo jeeda Asia.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa marar badan lagu eedeeyay in uu door weyn ka cayaaray kororka naceybka, ee dadka aan asal ahaan dalkaasi u dhalan.

Faallooyin