Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Xuseen Ibraahim Kamaal (Xuseen Dheere) ayaa saacadihii dambe ee maanta lagu dilay tuulada Njoli, oo ka tirsan Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Shuceyb Aadan Maxamed oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa sheegay in kooxo burcad ahi ay soo weerareen, isla-markaana ay ka toogteen qaybaha kore ee jirkiisa.

"Walaalkeen Xuseen Dheere, koox tuugo ahaa soo weerartay, xilli uu alaab ka dejinayay gaari Bakkie ah, oo uu adeeg ugu keenay dukaanka, waxayna xabadaha kaga dhufteen wadnaha iyo qaybaha kore ee jirka, isla-markiina nafba dhul ulama dhicin. Gaarigii iyo alaabtiiba way qaateen, balse dukaanka ma dhicin." Ayuu yiri Shuceyb Aadan Maxamed oo khadka teleefanka kula hadlay Wariye Cabdirisaaq Indhajaceyl.

Allaha u naxariistee Xuseen Dheere oo soddon jir ahaa ayaa qorsheynayay in maalmaha soo socdo uu u soo safro dalka.

Faallooyin