Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo si adag uga hadlay Masaajid lagu Burburiyay gudaha Kenya

Xildhibaanka bartamaha degmadatan Garissa Mr Aden Barre Ducaale ayaa si kulul ugu hadlay talaabada lagu burburiyay masaajidkii weynaa ee Jaamica ee magaalada Kibos ee ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyansa ee dalka Kenya.


Mr Barre oo qoraal uu kaga hadlayo arintaan ku soo qoray baraha uu ku leeyahay aaladaha bulshada ku xiriirto ee loo yaqaan Facebook iyo Twitter-ka, ayaa sheegay in ficilkaan uu ka tarjumayo Islaam Naceyb.


Isaga oo sii hadlayay ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in talaabada ay qaaday waaxda Tareenada dalka ee loo yaqaan Kenya Railways aan loo cuskan dastuurka dalka, ayna liddi ku tahay qaacidada qeexeysa xoriyada Diimaha oo muwaadin kasta oo Kenyaan ah uu xaqqa u Leeyahay.


Waxaa uu dhanka kale ku canbaareeyay waaxda Tareenada Kenya in masaajidkan ay burburisay abaara 3-dii habeenimo ee Sabtidii Shalay, iyadoo ka talaabsatay go,aan Maxkamadeed oo lagu hor istaagay burburinta Masaajidkan.


Hogaamiyihii hore ee golaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya ayaa dhanka kale bidhaamiyay in qalad ay tahay in la burburiyo goobaha lagu cibaadeysto iyo guryaha ay dagan yihiin dadka masaakiinta ah kuwaasi oo hoy, la,aan wajahaya xiligaan, waxaana uu intaa ku daray in wali maamuladii soo marayay Kenya taariikhda aysan ku dhiiran in ficilkaan oo kale ay Sameeyaan.


Xildhibaanka bartamaha magaalada Garissa ayaa balanqaaday in uu difaaci doono in aan la burburin goobaha lagu cibaadeysto gaar ahaan Masaajida iyo xarumaha kale ee dadka aan Islaamka Aheyn isaga oo raacaya dastuurka Dalkaasi.


Masaajidka Jaamaca ee magaalada Kibos ee Ismaamulka Kisumu ayaa la dhisay sanadkii 1938-dii, iyadoo ugu danbeyn ay burburiyeen waaxda tareenada,kuwaasi oo sharci darro ku tilmaamay halka uu ka dhisan yahay, waa sida ay Sheegeen.

Inkastoo arintaan ay si weyn uga xumaadeen musaliinta iyo muslimiinta magaalada Kisumu ayaa hadane waxaa baraha bulshada lagu arkayay saacadihii la soo dhaafay mu,adinka masjidka oo dulsaaran dhismaha la burburiyay si uu dadka ugu sheego in la gaaray xiliga Salaada.

Faallooyin