IGAD oo ka hadashay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

Ururka Goboleedka Igad ayaa beeniyay eedeynta Soomaaliya ay u jeedisay Kenya oo ah in ay faragalin ku heyso amaanka qaranka Soomaaliya.


War qoraal ah oo ka soo baxay ururka Igad ayaa lagu sheegay in waxba kama jiraan ay tahay eedeynta xukuumada Muqdisho ayna wax ka jirin dhaliisha loo jeedibayo xukuumada Nairobi.


Dhanka kale dowlada Kenya ayaa sheegtay in aysan halis ku aheyn amniga Soomaaliya, marwalibana ka shaqeyneyso daris wanaaga iyo Midnimada Soomaaliya.


Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo xiisad xoogan ay ka taagan tahay xadka dalka uu la waadago Kenya , kadib markii dagaal xoogan ay fooda is dareen maalin ka hor ciidanka xooga ee ku sugan magaalada Beled-Xaawo iyo kuwa oo hogaaminayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.


Ciidankaan ayaa ka soo duulay magaalada Mandera oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen, iyadoo xukuumada Farmaajo ay xustay in Kenya ay dabada ka Riixeyso.


Dowlada ayaa horay u jartay xiriirka ay la laheyd Kenya iyadoo ku dhaliileysa taageerada maleeshiyaadka ku sugan magaalada Mandera.

Faallooyin