Joe Biden oo maanta lagu wado in uu xilka la wareego

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu si rasmiya xilka ula wareego.

Joe Biden ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee 3dii bishii November ka dhacday dalkaasi, inkastoo Madaxweynaha xafiiska baneynaya waa Donald Trump'e uu muran xoogan geliyay natiijadii doorashada, isagoo marar badan ku celceliyay in doorashada looga shubtay, walow aanu wax cadeymo ah soo bandhigin.

Madaxweyne Trump ayaan ka qaybgeli doonin munaasabadda saacadaha soo socdo lagu caleemo saari doono Joe Biden, waxaase bedelkiisa ka qaybgeli doono Kuxigeenkiisa Mike Pence

Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii shalay shacabka Mareykanka ugu baaqay in ay u duceeyaan maamulka cusub ee Aqalka Cad la wareegaya.

Faallooyin