Mareykanka oo Uganda kala baxay korjoogtadii ilaalineysay doorashada

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay kalsoonida lagu qabi karo doorashada madaxtinimada ee dalka Uganda ee Khamiista berrito lagu wado in ay dalkaasi ka dhacdo.

Mareykanka ayaa saluugay hannaanka ay dowladda u maamuleyso Doorashooyinka Madaxtooyada iyo midda Baarlamaanka ee dalkaasi, iyagoona kala baxay kooxdoodii korjoogtada ee doorashada ilaalineysay.

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Kampala ayaa lagu sheegay in korjoogto adag oo aan doorashooyinka ilaalineyn ay ka dhigi doonto doorashada mid aan lahayn isla xisaabtan iyo midaan muuqan.

Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii Dowladda Uganda ay ogolaansho siisay, in ka yar afar meelood oo meel korjoogtadii Mareykanka ka socotay.

Musharaxa ugu weyn ee mucaaradka Uganda ee u taagan madaxtinimada dalkaasi, Bobi Wine ayaa Talaadadii sheegay in ciidmada ammaanka ay u dhaceen hoygiisa, isla-markana ay xir xireen dhammaanba ilaaladiisii.

Bobi Wine ayaa Madaxweyne Yoweri Museveni ku eedeeyay in uu ka dambeeyay in gurigiisa loo dhaco.

Faallooyin