Madaxweynaha Chile oo loo ganaaxay inuu jebiyay awaamiirta Coronavirus

Maxkamad ku taala dalka Chile ayaa ganaax lacageed ku riday Madaxweynaha dalkaasi, Sebastian Pinera, ka dib markii lagu helay inuu jebiyay awaamiirta laga soo saaray xakameynta COVID-19.

Maxkamadda ayaa Madaxweynaha ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan saddex kun iyo shan boqol oo dollarka Mareykanka ah ($3,500), ka dib markii uu sawir la galay haweeney, isagoo aan af saab wadan.

Biowgii bishan ayaa barraha bulshada lagu faafiyay sawir uu Madaxweynuhu meel xeeb ahi kula galay haweeney, isagoo aan sidaasi uga foggayn, isla-markaana aan wadan maaska afka iyo sanka lagu daboosho.

Sebastian Pinera, Madaxweynaha Chile ayaa arrintaasi raaligelin ka bixiyay, waxaana uu sheegay inay habooneyd inuu maaska xirto, markii uu sawirka la gelaayay haweeneydaasi.

Haweeneydan oo xeebta kula kulantay Madaxweynaha ayaa iyadu ka codsatay inuu sawirkaasi la galo.

Chile ayaa horaan soo rogtay sharci ay khasab tahay inay dadku maaska ku qaataan goobaha dadweynaha, iyadoo ciddii aan u hoggaansamina ay muteysan doonto ganaax lacageed iyo weliba xabsi.

Faallooyin