Saddex qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Magaalada Addis Ababa

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee xaruntaasi dalkaasi.

Qaraxan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Lideta, waana meel ku dhow Bartamaha Magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta dalkaasi ayaa warisay in saddex qof ku dhimatay, shan kulana ay ku dhaawacantay bam looga tagay Lideta. Dhammaan dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi ayaa ahaa hoy la'aan.

Ma cadda in qaraxaasi uu weerar ahaa iyo in kale, waxaana socda baaritaan ay wadaan laamaha ammaanka.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli lix toddobaad ay dagaalo ka socdaan Gobolka Tigreyga ee Waqooyiga Itoobiya, inkastoo Dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Mekelle haddana waxaa hareeraha magaaladaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Federaalka iyo maleeshiyada Tigreyga.

Faallooyin