Abiy Ahmed: Ciidamada Federaalka ayaa la wareegay Magaalada Mekelle

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa daqiiqado ka hor iclaamiyay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigreyga.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray waxa uu ku sheegay in Ciidamada Federaalka ay la waregeen Garoonka Diyaaradaha, Xarunta Gobolka, Xafiisyada Hay'adaha Dowliga iyo xarumo kale.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay tani ka dhigan yahay inuu dhammaaday wejigii 3aad, ee hawlgalka lagu qabanayay Magaalada Mekelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay sii wadi doonaan qorshaha lagu doonayo in lagu soo qabqabto Hoggaanka Maamulka Tigreyga, si loo horkeeno maxkamad.

Abiy Ahmed, Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa shacabka Tigreyga ku ammaanay Ciidamada Federaalka, intii ay hawlgalkan ku guda jireen.

Hoggaanka Tigreyga ayaan weli ka hadlin sheega-shada Xukuumadda Addis Ababa, ee ku aadan in lagala wareegay Magaalada Mekelle.

Faallooyin