Hoggaanka Tigreyga oo sheegay in duqayntii ugu cusleyd ku socoto Mekelle

Hoggaanka Maamulka Tigreyga ayaa xaqiijiyay in duqayn culus ay xilligan ku socoto Magaalada Mekelle ee Xarunta Maamulkaasi.

Debretsion Gabresilasie, Hoggaamiyaha Tigreyga ayaa Telefishinka TPLF ka sheegay in weerar cir iyo dhulba, ay Ciidamada Federaalka ku hayaan Magaalada Mekelle..

Hoggaamiyaha ayaa muujiyay in weerarka ku socdo magaaladaasi uu ka culus yahay midkii hore, isagoona Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay dooneyso in ay burburiso magaalada.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Gobolka Tigreyga uu soo gaarsiiyay farriin qoraaleed teleefanka gacanta ah, oo uu ugu sheegayo in duqayn culus ku socoto Magaalada Mekelle.

Gaadiidka xamuulka ee lagu qaado madaafiicda ridada dheer ayaa la soo sheegaya in duqaynta ku socoto magaaladaasi ay qayb ka yihiin, inkastoo aanay cadayn masaafada ay ciidamada lugta u jiraan Xarunta Maamulka Tigreyga.

Ciidamada Federaalka ayaa wada hawlgaladii ugu dambeeyay, ee ay tahay in lagula wareego gacan ku haynta Magaalada Mekelle.

Taliyaha Ciidanka Sirdoonka ee Itoobiya, Temesgen Tiruneh ayaa Jimcihii sheegay inay si wanaagsan ula socdaan dhufeysyada muhiimka ah iyo goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan Hoggaanka Maamulka Tigreyga.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii sheegay in la gaaray wejigii ugu dambeeyay, ee dagaalka ka dhanka ah Maamulka Gobolka Tigreyga.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in laga taxadari doono shacabka ku nool Magaalada Mekelle.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa marar badan ku celcelisay in ujeedku yahay in gacanta lagu soo dhigo Hoggaanka Xisbiga awoodda badan ee TPLF.

Faallooyin