Weerar toorey oo lagu dilay macalin iskuul, gudaha Magaalada Paris

Nin ku hubeysnaa toorey ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii waxa uu  Magaalada Paris ee Xarunta Wadanka Faransiiska ku dilay macalin iskuul.

Ninka looga shakisan yahay inuu dilka gaystay ayaa waxaa toogtay Ciidamada Booliska, wax yar uun ka dib markii uu weerarku dhacay.

Ciidamada Booliska ayaa hawlgalo ay sameeyeen waxa ay sidoo kale ku soo qab qabteen afar nin, oo dhacdadaasi lala xiriirinayo.

Booliska Paris ayaa rumeysan in macalinkaasi loo dilay, isagoo ardaydiisa tusay sawir gacmeedyo ku saabsan Nebi Muxamed (NNKH).

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa weerarka lagu dilay ninka macalinka ah ku tilmaamay weerar argagixiso.

Faallooyin