Trump oo dib u bilaabay ololihiisa doorashada 3-da November (SAWIRRO)

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa xalay ka qaybgalay isu soo bixii ugu horeeyay, tan iyo markii horaantii bishan laga helay xanuunka COVID-19.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ololihiisa doorashada waxa uu haataan dib uga bilaabay Gobolka Florida, iyadoo isu soo bixiisaan ay ka qaybgaleen dadweyne fara-badan.

Madaxweynaha ayaa taageereyaashiisa u sheegay in uu dhunkan karo qof kasta oo fagaarahaasi joogay, haddii aanu iminka wax saamayn ahi ku lahayn COVID-19.

Ololahan doorashada uu Madaxweyne Trump ka dhigay Magaalada  Sanford waa mid ka mida afarta olole ee la qorsheeyay afarta maalmood ee ina soo socota inay ka dhacaan gobolada leesku hayo.

Isu soo baxaan ayaa calaamad u ah haraadka uu Madaxweyne Trump u qabo doorashada 3-da bisha November lagu wado inay ka dhacdo dalkaasi.

Trump ayaa xilligan loolan xoogan kala kulmaya Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga, Joe Biden, kaasoo ku horeeyo xog uruurinta dadweynaha, ee toddobaadyadii la soo dhaafay la sameeyay.

Faallooyin