Kenya oo dembi ku heshay laba nin oo gacan siiyay raggii weeraray Westgate

Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi ayaa maanta dembi ku heshay laba ka mida saddex nin, oo muddooyinkii ugu dambeysay maxkamadeyntooda ka socotay dalka Kenya.

Labada nin ee dembiga lagu helay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafa. Ninka dembiga lagu waayay ayaa lagu magacaabaa Liibaan Cabdullaahi.

Saddexduba waxaa loo haystay inay caawiyeen kooxdii 21-kii bishii September ee sanadkii 2013 weerartay Westgate Mall, oo ku yaala Magaalada Nairobi.

In ka badan 140 marqaati ayaa ka qayb qaatay kiiskan, oo soo jiitamaayay toddobadii sano ee ugu dambeysay, waxaana labadaasi nin lagu wadaa in la xukumo 22-ka bishan October. Saddexduba waxay iska fogeeyeen ku lug lahaanshaha weerarkaasi.

Weerarkan oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 67 qof, iyadoona ay laamaha ammaanka afar maalmood ku qaadatay inay ku soo afjaraan weerarkaasi.

Faallooyin