Xoghayaha Warfaafinta ee White House oo laga helay COVID-19

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Mareykanka, gabadha lagu magacaabo Kayleigh McEnany ayaa waxaa laga helay xanuunsidaha COVID-19, ka dib markii laga baaray.

Kayleigh McEnany ayaa xaqiijisay in maanta laga helay xanuunka faraha kulul dunida oo idil ku haya ee COVID-19. Waxay sheegtay in marar hore laga baaray xanuunka, ha yeeshee markaan laga helay.

Ma jirto calaamado caafimaad-darro oo iminka ka muuqdo gabadhan, marka laga soo taggo in laga helay xanuunka safmarka ah, waxayna noqoneysaa Sarkaalkii ugu sareeyay, uguna dambeeyay ee xanuunka laga helo, isla-markaana ka tirsan Aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo.

Kayleigh McEnany ayaa baajisay wareysi lagu waday inay maanta siiso Telefishinka Fox News, ka dib soo ifbixitaanka in laga helay COVID-19.

Jimcihii ayay ahayd markii xanuunka laga helay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo marwada 1aad ee dalkaasi, Melania Trump.

Faallooyin