Trump iyo marwada 1aad Melania Trump oo laga helay COVID-19

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo marwada 1aad ee dalkaasi Melania Trump ayaa laga helay xanuunsidaha COVID-19, ee Coronavirus uu keeno.

Madaxweynaha Donald Trump ayaa goor dhow bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in isaga iyo xaaskiisaba laga helay xanuunka, ka dib markii baaris caafimaad ay isu sameeyeen Khamiistii.

Ka hor intii aan xanuunka laga helin ayuu Madaxweyne Trump sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay is karantiileen, wax yar ka dib markii xanuunkaasi laga helay mid ka mida lataliye-yaashiisa aadka ugu dhow.

Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii ololihiisa doorashada u tagay Gobolka Minnesota, waxaana uu fagaaraha ka soo muuqday, isagoo aan af-gashi wadan.

Trump waxaa horey loogu dhaliilay inaanu halis uba arkin xanuunka saf-marka ah ee COVID-19, xilli si weyn uu ugu faafaayay dunida oo dhan.

Faallooyin