Amiirkii Wadanka Kuwait oo geeriyooday

Dowladda Kuwait ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta shaacisay geerida Amiirkii dalkaasi, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Sabah.

War laga sii daayay Telefishinka Qaranka ee dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyay geerida Sheikh Sabah al-Ahmad.

Amiirka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Mareykanka, halkaasoo xaaladiisa lagula tacaalaayay, tan iyo bishii Luulyo ee sanadkan.

Sheikh Sabah al-Ahmad oo 91 jir ahaa ayaa noqday Amiirka dalkaasi bishii January ee sanadkii 2006.

Faallooyin