Dowlada Kenya oo walaac ka muujisay dhalinyarada ku biireysa Al-Shabaab

Madaxa amaanka ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya Mr Nick Ndalana ayaa ka digay dhalinyarada u dhashay dalkaasi ee ku biireysa ururka Al-Shabaab.

Mr Ndalana oo ayaa sheegay in dhalinyaro soomaali ah oo ka soo jeeda waqooyi bari ay ka talaabeen xadka labada dal si ay uga mid noqdaan Al-Shabaab.

Wuxuu intaa ku daray in ciidanka amniga ay gacanta ku hayaan sadax ka mid ah kuwaasi oo ka soo jeeda ismaamulka Mandera.

Sargaalkan ayaa dhanka kale ku booriyay odayaasha iyo culimada Mandera in ay kala shaqeeyaan laamaha amniga sidii looga hortagi lahaa shaqsiyaadka marin habaabinaya Dhalinyarada.

Hadalkaan ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii koox dabley ah ay sadex ruux oo aan islaam aheyn oo u dhashay ay kala dageen wadada xiriirisa magaalada Mandera iyo Wajeer.

Faallooyin