Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Zarqa ee dalka Jordan

Qarax aad u xoogan ayaa saqdii dhexe ee caawa ka dhacay Magaalada Zarqa ee dalka Jordan, iyadoo aan la garanayn waxa sababay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay magaalada iyo daafaheedaba, waxaana la arkaayay holaac ka dhashay qaraxaasi.

Muuqaalo lagu faafiyay barraha bulshada ayaa muujinaya holac xoog leh oo ka soo baxaya goobta uu qaraxu ka dhacay.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay xerada keydka rasaasta, inkastoo aanay weli taasi xaqiijin dowladda dalkaasi.

Magaaladan loogama baran qaraxyada, waxayna ka mid tahay goobaha ugu ammaanka badan dalkaasi, oo xuduud la leh Israel.

Jordan waa dowladda saddexaad ee Carbeed ee xiriirka la leh Maamulka Israel, marka laga soo taggo Masar iyo Emirate-ka Carabta.

Faallooyin