Dab xoogan oo qabsaday Suuqa xerada qaxootiga Dadab

Warar ka naga soo gaaraya gobolka waqooyiga bari ee Kenya ayaa sheegaya in dab xoogan uu fiidnimadii caawa qabsaday suuq ku yaal xeryaha Dadab.


Dabkaan oo aan la ogeyn ayaa ka kacay suuqa xerada dhagaxley ayaa burburiyay qeybo ka mid ah Suuqa iyadoo uu jiro qasaare Xoogan.


Dhanka kale waxaa wali muuqan dadaalo lagu daminayo dabka oo ay wado dowlada Kenya iyo xafiiska qaramada midoobay ee xerada Dadab.

Ganacsada suuqa ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu damiyo dabka walo xowli sare uu ku Socdo.

Suuqyada ku yaal xeryaha dadab ayaa marar badan sidan u gubtay iyadoo aan la ogeyn sababaha ka Danbeeya.

Faallooyin